Toogasho ka dhacdey magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dabley ayaa lagu waramay in isgoyska Laba-dhagax ee degmada Warta-nabada ee Muqdisho ay Axada maanta ah ku dileen laba qof oo lagu sheegay wiilal dhalinyaro ahaa.

Sidda ay wararku xusayaan, kooxda hubeysan ee falkaas geysatay ayaa ka baxsatay goobta kahor inta aysan imaan laamaha ammaanka dowladda federaalka oo sameeyay baaritaano aan la ogeyn max-suulkooda.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda toogashaddan aysan wali wax war ah kasoo saarin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Todobaadkii hore, saddex kamid ah dharcada hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka ayaa lagu toogtay degmadda Waaberi ee gobolka Banaadir. Maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab ayaana qaadatay mas'uuliyadda.

Goobjoogeyaal kala duwan ayaa u sheegay GO in saraakiisha ay hal goob wada joogeen isla markaana ay cayaareen Laadhuu. Wararku waxay xusayaan in haweenay meesha ka akdhoweyd ay ku jirto dadka geeriyoodey.

Saraakiisha dharcada ee NISA ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay aad loogu daadiyey waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. Talaabadaas waxay timid markii mucaaradku bilaabay isu soo baxyo ka dhan ah dowladda.

Banaanbaxyadda oo mucaaradka ku qeexay "kuwa nabadeed" ayaa lagu dalbanayaa in doorashooyinka 2020-21 ay waqtigooda ugu dhacaan si daahfuran, waxayna hay'adda sirdoonka ku booriyeen in ay faragelinta siyaasada ka fogaato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM