Askar horleh oo laga dejiyey Gedo xilli ay xiisad jirto

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay ciidamo horleh ku daabushay gobolka Gedo xilli ay jirto xiisad kala dhaxeysa Jubaland taasoo hakisay geedi u socodkii doorashooyinka sanadka 2020-21.

Sidda ay muujinayaan warbixino lagu kasoon yahay, ciidanka maanta diyaaradda looga daabulay caasimadda Muqdisho oo ka tirsan kumaandooska Gorgor oo Turkiga uu dalka ku tababaray ayaa laga dejiyey magaalada Goolow.

Sawirro laga soo qaadey ciidamadda ayaa muujinaya in ay wataan qoryo AK47 ah iyo gaadiid dagaal. Muuqaalada qaarkood waxay tusinayaan in askarta qaar ay yihiin Koofiya Casta looga talagalay Ilaaladda Madaxtooyada Qaranka.

"Ciidankan ay soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta dowladda federaalka ugu magacaaban gobolka Gedo waxaa hor-boodaya taliye lagu magacaabo Liibaan Xasan Cali kaasoo ku xiran Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka," ayay sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online.

Talaabada ay ciidanka dowladda Soomaaliya ku geysay gobolka Gedo ayaa dab kusii shideysa is-qabqabsiga gobolkaas ee kala dhaxeeya Jubaland oo horey dhowr jeer u codsatay in askarta lagu celiyo Muqdisho si doorashad au dhacdo.

Sidoo kale, talaabadan ayaa sii adkeyneysa wadahadalada lagu waddo in dhowaan ay Muqdisho ku yeeshaan dowladda iyo maamulada kuwaasoo ajendayaasha ugu culus ee miiska saaran ay ku jirto qadiyadda gobolkan ku dhow Kenya.

Beesha Caalamka ayaa horey uga digtay talaabooyinka halka dhinac u adeegaya ee curyaaminaya geedi u socodka doorashooyinka iyaga oo ku baaqay in xal wada ogol ah laga gaaro dhamaan tabashooyinka ku xeeran coddeynta qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM