Askar ka howlgasha bada Soomaaliya oo laga helay Covid-19

Image

DJIBOUTI CITY, Djibouti – Laba kamid ah askarta Japan ee biyaha Soomaaliya uga shaqeeya la dagaalanka burcad=badeeda ayaa laga helay safmareenka Coronavirus, sida ay ku dhawaaqdey Wasaaradda Gaashaandhiga dalkaas.

War qoraal ah oo Wasaaradda kasoo baxay Axada maanta ah ayaa lagu sheegay in askartaas ay geli doonan karantiil isla markaana baaritaano lagu sameyn doono dhamaan askartii kale ee xiriirka dhow ay wada lahaayeen maalmihii dambe.

Askartaas uu haleelay Covid-19 oo da'dooda ay u dhaxeyso 20 illaa 40-sano jir ayaa fariisinkooda wuxuu yahay Jamhuuriyadda Jabuuti. Saldhigaas waxaa ka diiwaan-gishan ku dhowaad 110 askar oo afar kamid ah uu ku dhacay fayruskaas.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in askarta oo lagu dhex-beeray xarun caafimaad oo xerada ku dhex-taala ay xaaladoodu wacan tahay.

"Kiisaska Covid-19 ee lasoo wariyey ma aysan carqaladeyn howlgalkeena oo sidii loogu talagalay ayay ku socdaan," ayay wasaaraddu ku dartay bayaankeeda.

Jimcada todobaadkii hore ayay ahayd markii laba kamid ah askarta ku sugan xeradan uu soo ritay Covid-19, taasoo wadarta guud ahaan ka dhigeysa afar.

Ciidamadda Japan ee ka howlgala biyaha Soomaaliya oo lagu eedeeyo xaalufinta kheyraadka ayaa qaada howlgalo ay ku beegsadana wax loogu yeero shufta-badeeda Soomaalida iyaga oo adeegsada diyaarado iyo doonyo dheereeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM