Askar ka tirsan ciidanka Uganda oo isku dhex dishay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada ayaa baaraya xaalad ka dhalatay markii askari kamida xoogaga Uganda ee Muqdisho ku sugan uu toogtay sarkaal ka tirsan maamulkiisa kahor inta uusan isagu is-dilin.

Illo wareedyo ayaa sheegay in askariga oo uu ka careysiiyey horjoogihiisa ay sidoo kale rasaasta uu furay ay ku geeriyoodeen afar kale, inkasta oo aanan lasoo bandhigin wali magacyadooda.

Brig Richard Karemire, afhayeenka ciidamada Uganda, oo xaqiijiyey in laba askari ay si fool xun u dhinteen ayaa tibaaxay in baarayaasha ay ogaanayaa waxa dhaliyey carada askariga.

"Sababta wali ma cadda. Waxaanu dooneynaa in aan ogaano hadii askariga uu xanuunsanaa maskax ahaan ama in kale," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Shilkaan ayaa ka dhacay gudaha xerada Xalane, halkaasi oo ciidamada Uganda aad ugu badan yihiin maadaama ay yihiin wadanka ugu askarta badan howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

Toogashooyinka noocaan oo ciidamada Uganda ay caan yihiin gudaha dalkooda ayaa marka ay dibada joogaan waxay ku lug-yeeshaan dilalka shacbka oo dhowr jeer Soomaaliya ay ka geysteen.

Balse marka la joogo wadankooda ayaa waxay isu dilaan dhexdooda arrimo la xiriira jaceyl iyo dhaqaalo xumo baahsan oo soo food-saarta marka qaarkood.

Sikastaba ha ahaatee, sanadkii 2016-kii, Isaac Obua ayaa dibada Dugsiga Tababarka Booliska ee Kampala ku khaarijiyey todoba kamida saaxiibadii.

Si lamida Isaac Newton Okello ayaa bishii December ee sanadkii hore 2018-kii waxaa 80-sano oo xarig ah loogu xukumay dilka haweenay xaamilo ahayd.

Sanadkii 2013-kii, askar ka tirsan ciidamada Uganda gaar ahaan guutada 7aad ayaa dilay gabar ay saaxiibo ahaayeen kadib markii ay murmeen.

Isla sanadkaasi, Patrick Odoch, oo dilay 11 qof oo rayid ah ayaa waxaa garka loo geliyey 90-sano oo xabsi ciidan ah, sida ay ku dhawaaqday maxkamada ciidmada.

Bishii December sanadku markuu ahaa 2012-kii, sarkaal sare Herbert Rwakihembo, oo ka tirsanaa ciidamada Booliska ayaa dilay xaaskiisa iyo dad kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM