Askar kasoo goosatay Jubbaland oo isku dhiibay Al shabaab

Image

JILIB, Somalia - Afar askari oo uu ku jiro Saraal sare, ayaa isku dhiibay Kooxda al shabaab, kadib markii ay kasoo goosteen ciidamada maamulka Jubbaland.

Korneyl Yaasiin Faarax (Fiilo), iyo saddex askari oo kamid ahaa ilaaladiisa gaarka ah ayaa lagu soo bandhigay degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo ku lebisan Dareeska Militariga, kuna hubaysan qoriga AK-47.

War kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegay in Askartan ay kasoo goosteen Kismaayo, kadib markii ay u dulqaadan waayeen Xusuuqa Ciidamada Kenya iyo kuwa Ethiopia ee shacabka gobollada Jubbooyinka.

Maxamed Abu Cabdalla, oo Al shabaab ugu magacaaban Jubbooyinka ayaa fagaaraha ku yaalla Jilib ka sheegay in cafiyeen askarta dhankooda kusoo biirtay, islamarkaana lacag ugu bedelayaan hubkooda. 

Maamulka Jubbaland wali kama uusan hadlin warkan, mana jirto Ilo ka madax-banaan Al shabaab oo xaqiijinaya in Sarkaalkan Col Fiilo lagu magacaabo iyo Askartiisa kamid ahaayeen ciidamada Jubbaland.

Al shabaab ayaa inta badan samaysay bandhig noocan ah, oo lagu micneeyay inay tahay Boro-bagaando ay ku muujinayso awoodeeda, inkastoo laga saarey inta badan deegaanadii ay ka talin jirtey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM