Askar Kenyan ah oo lagu dilay Qarax ka dhacay meel ku dhaw xadka Somalia

Image

Afar Askari oo kamid ahaa Ciidamada Booliska Kenya iyo ruux shacab ah ayaa lagu dilay Qarax Miino oo Gaari ay la socdeen lagula eegtay magaaladaq Lamu, oo ku dhaw Xuduuda Somalia.

Nelson Marwa, oo ah Taliyaha Booliska Lamu ayaa u sheegay Warabaahinta in weerarka lagu dilay Askarta uu ka dhacay wado ku taalla inta u dhaxaysa Mangai iyo Lamu.

Wuxuu sheegay in la la’yahay Labo Askari oo kale, kuwaasi oo ay Ciidamada Baadi-goobayaan.

Kolonyada Booliska ayaa lala eegtay Bam wadada qarkeeda lagu aasay, xilli ay ku sii jeedeen degmada Mokowe, si ay Howlgallo dhanka amniga ah uga soo sameeyaan Xaduuda Kenya ay la wadaagto Somalia.

“Ciidamada Difaaca Kenya ayaa ka jawaabay weerarka, oo goobta durbaba gaarey, waxayna arkeen meydadka Afar Askari iyo qof shacab ah,” ayuu yiri Nelson Marwa.

Al shabaab ayaa sheegatay mas’uliyadda qaraxa, waxayna tilmaameen inay dileen 7 Askari.

Todobaadkii lasoo dhaafay saddex qarax oo miino ah ayaa ka dhacay meel ku dhaw magaalada Garissa, ee xarunta gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya, kuwaasi oo lagu dilay 11 Askari oo Boolis ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM