Askar Kenyan ah oo lagu dilay Qarax ka dhacay meel ku dhaw xadka Somalia

Image

Afar Askari oo kamid ahaa Ciidamada Booliska Kenya iyo ruux shacab ah ayaa lagu dilay Qarax Miino oo Gaari ay la socdeen lagula eegtay magaaladaq Lamu, oo ku dhaw Xuduuda Somalia.

Nelson Marwa, oo ah Taliyaha Booliska Lamu ayaa u sheegay Warabaahinta in weerarka lagu dilay Askarta uu ka dhacay wado ku taalla inta u dhaxaysa Mangai iyo Lamu.

Wuxuu sheegay in la la’yahay Labo Askari oo kale, kuwaasi oo ay Ciidamada Baadi-goobayaan.

Kolonyada Booliska ayaa lala eegtay Bam wadada qarkeeda lagu aasay, xilli ay ku sii jeedeen degmada Mokowe, si ay Howlgallo dhanka amniga ah uga soo sameeyaan Xaduuda Kenya ay la wadaagto Somalia.

“Ciidamada Difaaca Kenya ayaa ka jawaabay weerarka, oo goobta durbaba gaarey, waxayna arkeen meydadka Afar Askari iyo qof shacab ah,” ayuu yiri Nelson Marwa.

Al shabaab ayaa sheegatay mas’uliyadda qaraxa, waxayna tilmaameen inay dileen 7 Askari.

Todobaadkii lasoo dhaafay saddex qarax oo miino ah ayaa ka dhacay meel ku dhaw magaalada Garissa, ee xarunta gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya, kuwaasi oo lagu dilay 11 Askari oo Boolis ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM