Askar Kenyan ah oo lagu diley Qarax ka dhacay Xuduuda Somalia

Image

LAMU, Somalia - Ugu yaraan 8 qof, oo afar kamid ah ay yihiin Askar Kenyan ah, ayaa ku geeriyootey Qarax miino oo ka dhacay koonfurta bari ee dalka Kenya, kuna dhaw Xuduuda Somalia.

Noah Mwivanda, oo ah Sarkaal sare katirsan Boolisk Kenya ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid lagu aasay Wado ku taalla inta u dhaxaysa degmooyinka Mararani iyo Kiunga, oo kawada tirsan gobolka Lamu.

Qaraxa waxaa lala eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo la socdeen Dad shacab ah iyo Askar katirsan Booliska Kenya, sida uu xaqijiyay Noah Mwivanda.

Afar caruur ah ayaa kamid ah dadka ku dhintey weerarka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Saraakiisha amaana Kenya ayaa ku eedeeyay Al shabaab inay ka dambayso qaraxa lagu diley caruurta iyo afarta Askari.

Qaraxyada miino ee ka dhacayay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa waxaa ku dhimatay 46 ruux, oo u badan Askar Boolis ah.

Al shabaaba ayaa gudaha dalka Kenya ka fulisay 100 weerar, oo qaraxyo u badan tan iyo sanadkii 2011, xilligasi oo Ciidamada Kenya soo galeen Somalia.

Kenya waxaa kusoo wajahan doorashada Madxtinimo bisha Augusta ee nagu soo aaadan, iydoo qaraxyo ka dhacayaan gobollada ku teedsan xuduuda dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM