Askar ku dhaawacantay qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhaawacantey qarax aroornimadii Sabtida maanta ah ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ammaan.

Qaraxa miinada oo lagu qariyey goob qashin qub ah ayaa si gaar ah looga soo wariyey aaga Vero Villa Soomaaliya oo ku dhow isgoyska Nasiib-Buundo.

Illo wareedyo amni oo la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa daaha ka rogay in qarax lala beegsaday gaari uu leeyahay Taliyaha ilaalada degaanka Xamar, Gaashaanle Sare, Maxamed Carabow Xasan.

Sidda ay muujinayaan fahfaahinada, taliyaha oo aan wali ka hadlin isku dayga u muuqda mid la doonayey in lagu khaarijiyo ayaan la socon gaariga goorta qarax lala beegsanayey.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxan, wallow dhacdooyinka noocaan ah looga bartey maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh xoogaga argagixisada ah ee Al-Qaacida.

"Askarta dhaawacantay waxay saarnaayeen baabuurka oo miinadda ay la kacdey. Dad kale oo goobta ka akdhowaa ayaa laga cabsi qabaa in ay waxyeeladda soo gaartay," ayay sheegeen goobjoogeyaal.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya lagu dilay qarax miino oo lala beegsaday gaarigiisa. Weerarkaas waxaa lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeysay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM