​Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Buurhakabo

Image

BUURHAKABO, Somalia- Ugu yaraan 5 Askari oo katirsanaa ciidanka dowladda Somalia ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Buurhakabo.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday miino ayaa waxa uu ka dhacay saldhig ciidamada ay ku leeyihiin gudaha degmada, xilli hore oo maanta ah.

Sida uu Goobjooge uu xaqiijiyay GO, lix askari oo kale ayaa dhaawacyo culus kasoo gaarey weerarka, kaasi oo mas'uuliyadiisa sheegatay Kooxda Al shabaab.

Weerarka ayaa ahaa mid xooggan, oo dhawaqiisa saakay laga maqlay xaafadaha degmada Buurhakabo, waxaana la sheegay inuu waxyeello gaariiyay dad shacab ah.

Wararka intaas ku daraya in Ciidamadu sameeyeen howlgal ay kusoo xireen tiro dad shacab ah, oo ay uga shakiyeen inay ku lug leeyihiin Qaraxa.

Degmada Buurhakabo ee gobolka Baay waxaa mudooyinkii dambe ka dhacay qaraxyo dhulka lagu aasay, oo qaar kamid ah lagu dilay Gudoomiyihii degmada iyo ku xigeenkiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM