Askar ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhimatay, saddex kale oo shacab ah waxaa soo gaarey dhaawacyo kadib markii qarax uu aroornimada Khamiista maanta ah uu ka dhacay duleedka Muqdisho.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in weerarka uu ka dhashay miino lagu aasay nawaaxiga maqaayad ku taala degaanka Lafoole oo ay joogeen ciidamadda dowladda federaalka.

"Askarta oo wadatay dareeska milatariga waxay ka quraacanayeen mehradda. Aniga waxaan indhaheyga saarey meydadkooda, iyo dhaawaca saddex kale oo shacab ah," ayuu yiri goobjooge Cali Maxamed Nuur.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas. Baraha Internet-ka ee faafiya wararka xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa wariyey in askarta la dilay ay ahaayeen saraakiil.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin falkaas. Balse markii uu qaraxu dhacay waxay tageen goobta, iyagoo sameeyay baaritaano aan saxaafadda lala wadaagin natiijadda rasmiga ah ee kasoo baxdey.

Shalay ahayd markii kolanyo ka tirsan ciidamadda AMISOM lagu qarxiyey degmadda Karaan. Hasayeeshee, lama soo warin khasaaro.

Falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda ayaa kusoo badanaya magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika xilli ay soo dhowaaneyso doorashadda baarlamaanka iyo madaxtinimadda oo aan wali lagu heshiin habraaceeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM