Askar ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan saddex askari ayaa ku geeriyootey tirro kelana way ku dhaawacmeen ka gedaal markii kolanyo ay la socdeen lagu qarxiyey degaanka Weydow ee duleedka Muqdisho, maanta oo Sabti ah.

Dadka degaanka ayaa khadka telafoonka waxay ugu sheegeen warsidaha Garowe Online in askarta dhaawacantay oo ah milatari loola cararay goobaha caafimaadka si noloshooda loo badbaadiyo.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan balse dhacdooynka degaankaasi ka dhaca waxaa aalaaba qaadata mas'uuliyadooda kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Taliska Milatariga Soomaaliya oo si kooban uga hadlay dhacdadan ayaa waxa uu tacsi u diray ehelada ay baxeen askartaasi.

"Qarax miino oo wadada qarkeeda la dhigay ayuu gaariga ciidamada saarnaayeen dul-maray. Aniga waxaan indhaheyga ku arkay dhimashada saddex askari," ayuu yiri Maadey Axmed Nuur, qof goobjooge ah.

Degaanka Weydow oo dhanka Koonfur Galbeed uga beegan magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca ayaa ku dhow isgoyska Ex-kontarool Afgooye.

Wadada isku xirta gobolada maamulka Koonfur Galbeed iyo caasimada dalka ee Muqdisho ayaa inta badan waxaa lagu beegsadaa ciidamada xooga dalka iyo kuwa gaadiidka gaashaaman wata ee Midowga Afrika.

Taliska AMISOM ayaa qaadey talaabooyin uu kaga hortagayo qaraxyada miinooyinka ah iyo weerarada jid-galka ah balse illaa iyo haatan ma muuqato guulo la taaban karo oo halkaasi laga soo ooyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM