Somalia: Askar ku dhimatay Qaraxyo ka dhacay gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Somalia - Labo qarax oo sababay khasaarooyin kala duwan, ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhaceen maanta deegaano ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Inta la xaqiijiyay 7 Askari oo isagu jira Soomaali iyo AMISOM ayaa lagu dilay qaraxyadan, oo ahaa miinooyin lagu aasay wadooyin ay ciidamada marayeen ou dhaxeeya magaalada Baydhabo iyo degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyada labada qarax, oo kan hore uu haleeyay Kolonyi ay la socdeen Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Ethiopia xilli ay ka yimaadeen dhanka degmada Waajid, kuna soo jeedeen magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay saddex Askari, iyadoo kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Qarax kale oo kaasi lamid ah ayaa waxaa deegaanka Goofgaduud lagula eegtay Gaari ay saanaayeen Askar katirsan maamulka Koonfur Galbeed Somalia, waxaana ku dhimatay 4 Askari. 

Ma jirto war ah oo kasoo baxay Koonfur Galbeed iyo AMISOM oo ku aadan qaraxyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM