Askar ku geeriyootay weerar ka dhacay HirShabelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kolanyo ciidan oo ka baxay Muqdisho ayaa Arbacada maanta ah waxaa lagu qarxiyey duleedka degmadda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil iyo dadka degaanka.

Ciidamadda la beegsaday oo ahaa milatari ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, waxaa qaraxa lagula eegtay inta u dhaxeysa Balcad iyo tuuladda Gololey. Qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas u dhaxeysa dabley iyo askarta.

Dableyda ka tirsan Al-Shabaab ayaa u muuqday kuwa loo qorsheeyay in ay weerar jid gal ah ku ekeeyaan ciidamadda marka uu qaraxu dhaco.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa xustey in ay ku dishay shan kamid ah ciidamadii saarnaa gaariga. Balse, ma jiro wax kasoo ciidanka.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Garowe Online in Al-Shabaab ay gubeen gaari Cabdi Bilaha ah oo gurmad ahaan ugu socday ciidanka la qarxiyey.

"Ciidamadda la qarxiyey waxay sameeyeen iska-caabin xoogan. Laakiin, waxaa khasaaraha badan gaarsiiyey in aysan u diyaarsaneyn weerarka oo ahaa mid lagu kadiyey," ayuu hadalkiisa ku daray goobjoogaha u waramay GO.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo magaalooyinka gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe ayaa aalaaba waxay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku qarxiyeen ciidamadda dowladda mana muuqdo qorshe looga hortagayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM