Askar lagu dilay Qarax ka dhacay duleedka Afgooye [Fahfaahin]

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Ugu yaraan labo Askari oo mid ay haweeney kamid tahay ayaa ku dhiamatay, qaar kalena way ku dhaawacmeen Qarax Miino oo ka dhacay tuuladda Buulalow oo ku taalla duleedka degmada Afgooye, Shabeellaha Hoose.

Gaariga ay la socdeen Askarta oo noociisu lagu sheegay inuu ahaa kuwa raaxadda ayaa kasoo baxay degmadda Wanlawayne ee isla gobolka, wuxuuna kusoo jeeda magaalada Afgooye, oo ay uga soo gudbi lahaayeen dhanka caasimada dalka ee Muqdisho.

Dadka degaanka Buulalow ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho in Gaariga ay la socdeen Askarta ay haleeshay Miinadda, islamarkaana ay gaarsiisay burbur lixaad leh, taasoo sababtay dhimashadda iyo dhaawaca Askarta.

"Gaari Kaarib ah oo ay la socdeen Askarta ayaa qarax miino haleeyay. Labo ayaa isla goobta ku ruux baxday, oo mid ay haweeney tahay. 2 kelana way dhaawacmeen. Dhanka Wanlawayne ayey ka yimaadeen," ayuu yiri Goobjooge la hadlay GO.

Saraakiisha ciidanka oo xaqiijiyay weerarka ayaa sheegay in weerarka ay Askarta dhaawaca ah loosoo qaaday Isbitaal ku yaala  Afgooye, waxayna tilmaameen in kuwa xaaladooda wax looga qaban karin halkaasi, Muqdisho loosoo gudbiyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Weerarkaan wuxuu imaanayaa xili Habeenimadii Khamiista weerar culus ay Al-Shabaab ku qaadey degmada Afgooye, kaasoo ay ku dishay Askar isago jira Booliska iyo NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM