Askar lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellaha hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan afar ruux, oo saddex kamid ah ay ahaayeen Askar katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar saaka ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose.

Sarkaal karirsan maamulka gobolka, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in weerarka uu ka dhacay inta u dhaxaysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

Wuxuu sheegay Sarkaalkan in Koox hubaysan ay rasaas ku fureen gaari BL ah oo ay la socdeen Askarta iyo dad shacab ah, oo ka ambabaxay Afgooye kuna sii jeeday gobolka Baay.

Dableyda weerarkan gaysatay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen qawlaysato jidka ku dhaca rakaabka la socda Gaadiidka isagala kala goosha gobollada Baay iyo Shabeellaha hoose.

Maamulka gobolka kama uusan hadlin weerarkanka, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa, balse waxaa inta badan dhacdooyinka noocan ah looga bartay Al Shabaab.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa kamid ah gobolada ay ku xoog badan yihiin xoogaga Al Shabaab, waxaana sidoo kale ka dhacay dagaallo u dhaxeeyo labo beelood oo isku haya maamulka gobolkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM