Askari lagu eedeeyay dilkii Sheekh Cali Dheere

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Baaritaanka dilka Sheekh Cali Axmed Faraax [Cali Dheere] loogu geystay degaan ku dhow Gaalkacyo 17-dii June, 201 ayaa kusoo dhamaadey in uu falkaas ka dambeeyay askari.

Guddiga loo saarey baaritaanka falkaas ayaa sheegay in askariga ka dambeeyay falkaas lagu magacaabo Cabdixakiim Cabdisalaam Aadan, oo ah dable ka tirsan saldhiga booliska magaalada Gaalkacyo.

Ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamada Ciidamada oo saxaafada la wadaagay warbixinta baaritaanka guddiga ayaa sheegay in ay jiraan eedeysaneyaal kale oo loo baahan yahay in lasoo qabto.

Muumin Xuseen Cabdullaahi oo tibaaxay in askariga uu falka ku caddeeyay markii ay farta kuwada fiiqeen dhamaan markaatiyeyaasha ayaa soo bandhigay saddex qodob oo guddiga uu isku-waaqay;

1: In Hay’adaha amniga Maamulada Puntland & Galmudug inay soo qabtaan eedeysanayaasha sare ku xisan, iyaga oo fulinaya Amarka Maxkamadda Ciidamada.

2: Hadii eedeysanayaasha aysan Maxkamadda hor-imaan ama aan la soo qaban muddo laba Bilood gudahood ah in Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu  u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Galdacwadeedka eedeysanayasha, lana bilaabi doono dhageysiga kiiskooda lana xukumi doono, iyaga oo maqan.

3: In sidoo kale Guddiga ay u soo baxday in Saraakiisha Booliska ee qeybta Gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Cali Dheere oo ahaa maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug halkaasoo lagu xanaaneeyo caruurta ayaa dilkiisu wuxuu sababay xaalad culus taasoo sababtay in guddiga loo saaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto AUSSOM

Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 07:11PM

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM