Askari lagu eedeeyay dilkii Sheekh Cali Dheere

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Baaritaanka dilka Sheekh Cali Axmed Faraax [Cali Dheere] loogu geystay degaan ku dhow Gaalkacyo 17-dii June, 201 ayaa kusoo dhamaadey in uu falkaas ka dambeeyay askari.

Guddiga loo saarey baaritaanka falkaas ayaa sheegay in askariga ka dambeeyay falkaas lagu magacaabo Cabdixakiim Cabdisalaam Aadan, oo ah dable ka tirsan saldhiga booliska magaalada Gaalkacyo.

Ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamada Ciidamada oo saxaafada la wadaagay warbixinta baaritaanka guddiga ayaa sheegay in ay jiraan eedeysaneyaal kale oo loo baahan yahay in lasoo qabto.

Muumin Xuseen Cabdullaahi oo tibaaxay in askariga uu falka ku caddeeyay markii ay farta kuwada fiiqeen dhamaan markaatiyeyaasha ayaa soo bandhigay saddex qodob oo guddiga uu isku-waaqay;

1: In Hay’adaha amniga Maamulada Puntland & Galmudug inay soo qabtaan eedeysanayaasha sare ku xisan, iyaga oo fulinaya Amarka Maxkamadda Ciidamada.

2: Hadii eedeysanayaasha aysan Maxkamadda hor-imaan ama aan la soo qaban muddo laba Bilood gudahood ah in Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu  u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Galdacwadeedka eedeysanayasha, lana bilaabi doono dhageysiga kiiskooda lana xukumi doono, iyaga oo maqan.

3: In sidoo kale Guddiga ay u soo baxday in Saraakiisha Booliska ee qeybta Gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Cali Dheere oo ahaa maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug halkaasoo lagu xanaaneeyo caruurta ayaa dilkiisu wuxuu sababay xaalad culus taasoo sababtay in guddiga loo saaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM