Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo Shabaab isu dhiibey

Image

MUQDISHU 29 June,2015 (GO)- Gudoomiyaha degmada Qansaxdheer ee gobolka Bay Aadan Cabdi Qooqane ayaa saxafada u xaqiijiyey in sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM isu dhiibey ciidamada ururka Al-shabaab ee ku sugan deeganaka Ufurow.

Aadan Cabdi Qooqane ayaa sheegey in askarigaan ka tirsanaa ciidamada AMISOM sii marey tuulada la yiraahdo Geriyow isaga oo dadka halkaas dagan waydiistey halka loo maro jidko Ufurow.

Ilaa hada lama oga sababta askarigaan ka tirsan AMISOM faraca ciidamada Ethiopia isugu dhiibey ururka Al-shabaab.

Taliska ciidamada AMISOM ayaan weli ka hadlin askarigaan la sheegy inuu u goostey dhankaas iyo maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan degaankaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM