Askari katirsan ciidanka Soomaaliya oo xukun dil ah lagu riday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil toogasho ah ku riday Cabduqaadir Maxamuud Cali, markii ay ku heshay dambi ah in uu degmada Mahaday ee gobolka Shabeellaha Dhexe uu ku dilay qof shacab ah.

Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, oo ahaa darawal gaari, ayaa lagu toogtay goob laga raaco baabuurta oo ku taalo degmadaasi 26-ka bishii December ee sanadkii hore 2018, sida ay sheegtay maxkamada.

C/qaadir, oo ah Dable ciidanka xooga dalka, ayay ciidamada ku qabteen isla goobta falka dilka uu ku geystay, isagoo loosoo wareejiyay saldhiga Booliska degmada Jowhar, halkaasi oo uu maalmo ku qaatay.

Sida ku cad qoraalka maxkamada, kiiskaan ayaa si rasmi ah loogu soo wareejiyay xafiiska xeer-ilaalinta qaranka bishii December, iyada oo 22-kii bishaasi uu amray xafiiska in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Fadhigii ugu horeeyay oo ay maxkamadu ka yeelato kiiskaan ayaa qabsoomay 12-ka bishii Janaayo ee sanadkaan 2019. Hasa yeeshee, dacwad-oogayaasha waxay soo jeediyeen in loo baahan yahay fadhiyo kale, taasi oo laga aqbalay.

9-ka bishaan Febraayo, waxaa loo balamay fadhigii labaad oo looga dooday kiiskaan, iyada oo afar cisho kadib ay xeer-ilaalintu soo bandhigtay caddeymaha ay hayso iyo markhaatiyaal, waxayna cod-satay in eedaysanaha dil toogasho lagu xukumo.

Qareenada difaacayey eedaysanaha ayaa ka hor-sheegay maxkamada in maadaama uu Askariga qirtay in uu dilka geystay loo fududeeyo xukunka, lagana qaado magta marxuumka.

"Eedaysanaha waxa uu ku liif bartay muwaadin wada marayey," ayuu yiri Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ka socday xeer-ilaalinta. "Sidaasi owgeed waa in abaalkiisa oo xukun dil ah la marsiiyaan," ayuu raaciyey.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda, ayaa maanta shaaciyay in garsoorayaasha ay isku raaceen in xukun dil toogasho ah lagu rido Cabduqaadir, taasi oo ah qisaasta marxuumka.

Go’aankaan ay gaartay maxkamada ayaa kusoo beegmaya iyada oo la sheegayo in wali xabsiyada caasimada ay ku jiraan askar, xubno loo haysto Shabaab iyo Daacish-nimo kuwaasi oo xukuno dil ah lagu riday.

Taliyaha ciidamada xooga, Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe] ayaa horaantii sanadkaan wacad ku maray in la toogan doono qof kasta oo lagu helo in uu kamid yahay kooxaha argagaxisada iyo askarigii rayid dila.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM