Askari la la'yahay iyo Meydad lasoo bandhigay kadib weerarkii Sanguuni

Image

SANGUUNI, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkii ay Isniintii ku qaadeen Saldhiga degaanka Sanguuni ay nolosha ku qabatay Labo askari, kuwaasoo ay kusoo bandhigeen magaalada Jamaame, oo ku dhaw Kismaayo.

Sidoo kale, waxay soo bandhigtay Shabaab meydadka Lix kamid ah askar ay sheegeen inay ku dileen isla weerarkii shalay dhacay, kaasoo illaa iyo haatan aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Dhanka kale, Korneel Mukhtaar Axmed Xuseen oo kamid ah saraakiisha ciidamadda maamulka Jubbaland oo ka hadlay arrintaan ku aadan meydadka iyo Askarta nool ee Al-Shabaab soo bandhigtay ayaa waxba waxba kama jiraan tilmaamay warkan.

Mukhtaar ayaa hadalkiisa ku daray in kadib tirro-koob ay ku sameeyeen ciidankooda ay usoo baxday inuusan jirin hal Askari oo ka maqan, islamarkaana warka Al-Shabaab uu yahay "been aan sal ahayn".

Dadka degaanka magaaladda Jamaame ayaa kusoo waramaya in Al-Shabaab ay meel Fagaare ah kusoo bandhigtay Meydka labo Askari iyagoo xiran dareeska/tuutaha ciidamadda xooga dalka.

Weerarkii lagu qaaday Sadhiga Saguuni, oo ahaa mid xoogan, oo loo adeegsaday Gaari Xamuul ah, ayay Al-Shabaab sheegatay inay ku dishay 27 Askar, halka dhanka dowladduna sheegeyso in 87 Shabaab ah dishay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM