Askari Muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo aroos ku jiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari katirsan ciidamada booliska dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe ku dilay magaaladda Muqdisho wiil dhalinyaro ah, oo ku jiray bisha balabka [Aroos].

Cabdiwaaxid Jibriil Afrax oo da'da 20-tameeyadda ku jiray ayaa lagu toogtay Isgoyska Taleex ee degmada Hodon, waxaana Askariga falkan geystay la sheegay inuu goobta ka baxsaday.

Marxuumka ayaa watey Mooto Bajaaj, taasoo uu nolosha qoyskiisa ku maareyn jiray, waxaana wararku ay sheegayaan in xilliga la dilayay ay wadada u xirnayd ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qoyska Cabdiwaaxid ayaa sheegay in Wiilkooda uu ku jiray maalintii saddexaad ee arooskiisa, waxayna ka dalbadeen dowladda in Askariga dilay lasoo qabto islamarkaana la marsiiyo cadaaladda.

Waa dilkii ugu dambeeyay oo wadiyaasha bajaaj-ta loogu geysto Muqdisho, iyadoo laamaha amaanka caasimadda ay ka gaabiyeen inay kahor tagaan falalkan dilka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM