Askari nin u dhashay Kenya ku dilay Boosaaso oo la qabtay

Image

BOOSAASO, Puntland – Ciidamada ammaanka ayaa xabsi u taxaabay askari nin u dhashay waddanka Kenya ku dilay magaaladda Boosaaso, maanta oo Isniin ah.

Taliska Booliska qeybta gobolka Bari ayaa sheegay in khaarijinta ninka ajnabiga ah ay ka dambeysay markii askariga iyo marxuumka uu muran soo kala dhex-galay.

Askariga oo su'aallo waydiin wajahaya ayaa waxaa la tilmaamay in uu ilaalo u ahaa ninka ajnabiga ah kaasoo la sheegay in uu la shaqeynayey shirkad kalluumeysi.

Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha booliska qeybta gobolka Bari, oo dhacdada xaqiijiyey ayaa xusay in askariga uu wajahayo cadaaladda, wallow uusan shaacin magaciisa.

Dhinaca kale, taliyaha oo ka hadlay qarax Miino oo ka dhacay Boosaaso, ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in uu ku dhaawacmay hal askari oo Ciidanka Badda ah.

Qaraxa oo laga soo wariyey xaafadda Xaaji Muuse oo ku dhow dekadda xarunta ganacsiga dowladda Puntland ayaa illaa iyo haatan waxaa nan jirin koox sheegatay.

Dhacdooyinkan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda oo amniga Boosaaso uu mudooyinkii dambe ahaa mid aad u hagaagsan, ayna socdaan howlgalo amni xaqiijin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM