Askari qof shacab ku dilay Muqdisho oo la xukumay

Image
Xukunsanaha, Maxamed Cabdi Jaamac Joof, ayaa lagu waramay in uu marxuumka u geysanaayey dhac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada ciidamadda Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay xukun dil toogasho ah ay garka u gelisay askari ka tirsanaa booliska caasimadda wadanka.

Maxamed Cabdi Jaamac Joof oo darajadiisu tahay Dable ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu qof shacab ah ku dilay magaala madaxda Muqdisho 22-kii June sanadkan 2021-ka.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay xeerbeegtada, marxuumka oo magaciisu yahay Yaxye CabdiCaziiz Maxamed ayaa loo dilay fal dhac ah oo uu soo maleegtay xukunsanaha.

"Dable Boliis Maxamed Cabdi Jaamac Joof ayay Maxkamadda Ciidamada Xukun Dil ah ku riday kadib Markii ay ku heshay in si bareer ah Uu Madaxa Sedax Xabadood kaga Dhiftay Marxuum Yaxye CabdiCaziiz Maxamed 22-kii June Sanadkan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Warka qoraalka ah ayaa la raaciyey: "Xukunsanaha ayaa u dilay marxuumka dhac uu u gaysanayay darteed, waxa uu dilka ka dhacay degmada XamarJajab gaar ahaan CeelGaabta".

Dilalka ay shacabka u geysteen ciidamada Soomaaliya ayaa loosoo wariyaa si maalinle ah. Balse, waxaa aad u kooban kuwa cadaalad wajaha wallow qaarkood lagu dhameeyo xaal mastuur.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu nugul falalka dilka ah ee ciidamadda balse waxaa tiro badan inta ku geeriyoota qaraxyadda kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM