Askarta ay Soomaaliya u dirtay Eritrea oo "la adoonsanayo"
WASHINGTON, USA – Askarta Soomaaliya ee maamulka Farmaajo uu sida qarsoodiga ah tababarka ugu diray waddanka Eritrea ayaa wajahaya adoonsi iyo nolol "xayaatul kalab ah," sidda uu shaaca ka dhigay mid kamid ah dhalinyaraddaas.
Askariga oo si qarsoodi ah ula hadlay barnaamijka Bandhiga ee laanta Afka Soomaaliga VOA-da ayaa muujiyey in ay taagan yihiin quus jeclaan lahaayeenna in lasoo celiyo, wallow rajo xumo ka qabo in dhowaan ay soo laaban doonan.
"Nolosha aan ku noolnahay waa mid xayaatul kalab ah. Waxaan kala garan la’nahay in aan dad Soomaaliyeed nahay iyo in kale. Waan nala adoonsanayaan, waa nagula shaqeystaa waxaa nagula dhisaa guryo," ayuu yir mid kamid ah askarta.
Isaga oo ka jawaabaya wararka sheegaya in qaarkood laga dagaalgeliyey waqoyga Itoobiya, askarigan oo sababo ammaan awadeed uga gaabsadey magaciisa ayaa tibaaxay in qaar kusoo dhaawacmay colaadaas aysan helin daaweyn.
"Annaga ma ogin cid dagaal ka qeybgashay. Laakiin waxaa laga soo sheegayey xerooyinka kale. Askar la qeybgashay dagaalkaas oo kusoo dhaawacantay ayaan wali helin baxnaano caafimaad. Waxaa kaliya la siiyaa kaniinka baristamoolka," ayuu xusay.
Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo oo ugu yaraan laba jeer booqdey askartaas ayuu xusay in ay u sheegan waayeen dhibaatada ay ku nool yihiin sababo ku aadan in loo handadey iyo in kaliya la xulay saddex da’yar oo u hadasha.
"Maalintii aan la kulmaynay madaxweynaha waxaa lala baxay saddex dhalinyarro ah oo lagu dhahay 'waxaan idin sheegno ayaan dhaheysaa'. Wixii nagu dhacay waxaa lagula xisaabtamayaa dowladda Soomaaliyeed," ayuu tibaaxay.
Shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada ayuu ka codsadey in ay "kasoo gaaraan maadaama ay na dayaceen oo si Soomaalinimada ka baxsan nala dhaqmeen madaxdii na direy annaga oo rabnay in aan difaacno waddanka".
Dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaan wali ka jawaabin sheegashooyinka iyo eedeymaha askarta.
Maxsuulka baaritaan uu sameeyay Garowe Online ayaa muujineysa in mashruucaan laga maamulayey Villa Soomaaliya iyo xarunta hay’adda sirdoonka isla markaana xogtiisa si weyn looga qariyey dhamaan hay’addaha kale ee dalka.
Natiijadda baaritaankaas ayaa sidoo kale waxay tibaaxeysaa in askarta loo qaadey Eritrea ay tiradoodu u dhaxeyso 5,000 illaa 7,000 isla markaana qaarkood ku nafwaayeen colaada gobolka waqoyga Ethiopia ku yaala ee Tigray oo loo daabulay.
GAROWE ONLINE