AU: Diyaar baan u nahay fududeynta shirka doorashada Somalia

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Afrika wuxuu diyaar u yahay in uu fududeeyo wadahadalo horseeda in Soomaaliya ka gudubto is-jiid-jiidka siyaasadeed, sida uu sheegay wakiilka ururkan u qaabilsan arrimaha amniga, siyaasada iyo nabada.

Hadalka danjire Bankole Adeoye ayaa wuxuu yimid ka gedaal markii Golaha Arimaha Siyaasada, Nabada iyo Amniga Midowga Afrika uu maanta ka shiray xaaladda Soomaaliya kaasoo ay kawada qeybgaleen mas'uuliyiin kala duwan.

Jawaabtan ayaa daba socota dalab ka yimid madaxweynaha waqtiga ka dhacay ee Soomaaliya Farmaajo kaasoo ahaa in Midowga Afrika uu dhexdhexaadiyo hogaamiyeyaasha Soomaalida si ay u soo afjaraan is-qabqabsiga doorashadda.

Farmaajo ayaa codsigaan u gudbiyey guddoonka AU-da ahna madaxweynaha DRC, Félix Tshisekedi, oo todobaadkan ay ku kulmeen caasimadda Kinshasa.

Adeoye oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa carabka ku adkeeyay in xalka is-mari-waaga doorashada Soomaaliya uu yahay wadahadal.

"Warbixinta aan siinayey AUPSC ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya, waxaan hoosta kaga xarriiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda iyo xasilloonida dalka," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Waxaan sidoo kale cadeeyay in ay diyaar u yihiin Guddiga Midowga Afrika inay fududeeyaan wadahadal wax ku ool ah oo dhexmara dhinacyada Soomaalida si looga gudbo jahwareerka siyaasadeed ee haatan jira".

Dhanka kale, qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Golaha Nabada, Amniga iyo Siyaasadda Midowga Afrika ayaa looga dalbadey hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay miiska wadaxaajoodka si deg-deg ah isugu yimaadaan si ay xal u gaaraan.

"Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan wada hadal loo dhan yahay iyo is afgarad siyaasadeed oo ku aaddan nabadda iyo xasilloonida," ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee golaha.

AU-da ayaa caddeyneysa mowqifkeeda xilli qoraal ay ka heleen Golaha Badbaado Qaran kaasoo lagu caddeeyay in dhexdhexaadin kasta ay muhiim tahay in ay noqoto mid diideysa ku darsiga, horseedeysa wadahadal iyo xalinta caqabadaha waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM