AU: Diyaar baan u nahay fududeynta shirka doorashada Somalia

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Afrika wuxuu diyaar u yahay in uu fududeeyo wadahadalo horseeda in Soomaaliya ka gudubto is-jiid-jiidka siyaasadeed, sida uu sheegay wakiilka ururkan u qaabilsan arrimaha amniga, siyaasada iyo nabada.

Hadalka danjire Bankole Adeoye ayaa wuxuu yimid ka gedaal markii Golaha Arimaha Siyaasada, Nabada iyo Amniga Midowga Afrika uu maanta ka shiray xaaladda Soomaaliya kaasoo ay kawada qeybgaleen mas'uuliyiin kala duwan.

Jawaabtan ayaa daba socota dalab ka yimid madaxweynaha waqtiga ka dhacay ee Soomaaliya Farmaajo kaasoo ahaa in Midowga Afrika uu dhexdhexaadiyo hogaamiyeyaasha Soomaalida si ay u soo afjaraan is-qabqabsiga doorashadda.

Farmaajo ayaa codsigaan u gudbiyey guddoonka AU-da ahna madaxweynaha DRC, Félix Tshisekedi, oo todobaadkan ay ku kulmeen caasimadda Kinshasa.

Adeoye oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa carabka ku adkeeyay in xalka is-mari-waaga doorashada Soomaaliya uu yahay wadahadal.

"Warbixinta aan siinayey AUPSC ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya, waxaan hoosta kaga xarriiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda iyo xasilloonida dalka," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Waxaan sidoo kale cadeeyay in ay diyaar u yihiin Guddiga Midowga Afrika inay fududeeyaan wadahadal wax ku ool ah oo dhexmara dhinacyada Soomaalida si looga gudbo jahwareerka siyaasadeed ee haatan jira".

Dhanka kale, qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Golaha Nabada, Amniga iyo Siyaasadda Midowga Afrika ayaa looga dalbadey hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay miiska wadaxaajoodka si deg-deg ah isugu yimaadaan si ay xal u gaaraan.

"Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan wada hadal loo dhan yahay iyo is afgarad siyaasadeed oo ku aaddan nabadda iyo xasilloonida," ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee golaha.

AU-da ayaa caddeyneysa mowqifkeeda xilli qoraal ay ka heleen Golaha Badbaado Qaran kaasoo lagu caddeeyay in dhexdhexaadin kasta ay muhiim tahay in ay noqoto mid diideysa ku darsiga, horseedeysa wadahadal iyo xalinta caqabadaha waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM