Axmad Madoobe iyo Sh.Xasan oo wadahadal ku dhexmarey Ethiopia

Image

ADDIS ABABA, 26 June,2015 (GO)- Madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo booqasho ku jooga wadanka Ethiopia ayaa wararka warsidaha GO helayo sheegayaan in wadahadalo ay ku xalinayaan khilaafaad u dhexeeyey ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

Dowlada Ethiopia oo qayb ka aheyd wadahadaladaan ayaa wararka sheegayaan in labada madaxweyne isla-gaareen heshiis hordhac ah oo ay ku xalinayaan khilafaad la sheegey inuu ka dhashey dhismaha Barlamanka Jubaland.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey ugu eedeeyey maamulka Jubaland in xubnaha Barlamanka kasoo galaya beelaha qaarkood aan la siin qaybteedii ay xaqa u lahaayeen.

Wadanka Ethiopia oo ciidamo ka tirsan AMISOM ka jogaan gudaha wadanka Somalia gaar ahaan maamulda Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa xalinta khilaafkaan siinayey muhiimad gaar ah.

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa safar uu dhowaan ku tagey magaalada Kismayo kala hadley madaxda maamulka Jubaland sidii loo xalin lahaa go'aankii ay xiriirka ugu jareen dowlada federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM