Axmad Madoobe iyo Sh.Xasan oo wadahadal ku dhexmarey Ethiopia

Image

ADDIS ABABA, 26 June,2015 (GO)- Madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo booqasho ku jooga wadanka Ethiopia ayaa wararka warsidaha GO helayo sheegayaan in wadahadalo ay ku xalinayaan khilaafaad u dhexeeyey ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

Dowlada Ethiopia oo qayb ka aheyd wadahadaladaan ayaa wararka sheegayaan in labada madaxweyne isla-gaareen heshiis hordhac ah oo ay ku xalinayaan khilafaad la sheegey inuu ka dhashey dhismaha Barlamanka Jubaland.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey ugu eedeeyey maamulka Jubaland in xubnaha Barlamanka kasoo galaya beelaha qaarkood aan la siin qaybteedii ay xaqa u lahaayeen.

Wadanka Ethiopia oo ciidamo ka tirsan AMISOM ka jogaan gudaha wadanka Somalia gaar ahaan maamulda Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa xalinta khilaafkaan siinayey muhiimad gaar ah.

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa safar uu dhowaan ku tagey magaalada Kismayo kala hadley madaxda maamulka Jubaland sidii loo xalin lahaa go'aankii ay xiriirka ugu jareen dowlada federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM