Axmed Madoobe: Dowladda Somalia ha qanciso Maamulada

Image

KISMAAYO, Somaaliya - Axmed Madoobe oo ka hadlay khilaafka dowladda & Maamulada KISMAAYO, Somaaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe), ayaa ka hadlay khilaafka soo ifbaxay ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Somaaliya iyo maamul goboleedyada.

Madaxweyne Axmed Madobe, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka ay ahayd inay maamulada ku qanciso, kana talo-geliso go'aankii dhex-dhexaadnimada ay ka qaadatey bishii June Khilaafka Khaliijka.

"Khaliijka waa dad walaalaheena, Xukuumadda Federaalka hadii ay aragti qaadatey, waxay mudan tahay inay la tashada Maamullada, oo ay ku qanciyo, waxa dalka maslaxadiisu ku jirto," ayuu yiri Axmed Madobe.

Wuxuu tilmaamay Madaxweynaha Jubbaland in Xukuumadda looga fadhiyo inay la fariisato Madaxda qanciso maamullada, maadaama ay tahay Hay'adda mas'uulka ka ah Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

"Waalidka sida uu ilmihiisa uu ula dhaqmo, ayay iyaguna ula dhaqmaan, Xukuumadda iyada ayay Mas'uuliyadda saaran tahay, oo wixii qaldama lagula xisaabtamayaa," ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madobe.

Dhanka kale, Madaxweyne Axmed Madobe ayaa shaaciyay in maamulkiisa uu Gogol u fidinayo Kismaayo Dowladda Dhexe iyo maamullada Federaalka, si looga wada-hadlo Khilaafka taagan, ee la xiriira arrimaha Khaliijka Carabta.

Hadalka Axmed ayaa kusoo beegmaya, xilli Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ay la safteen Xulufada Sacuudiga hogaamiyo, ee xiriika u jaray Qadar 5-tii bishii June, ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM