Axmed Madoobe: Farmaajo wuxuu igula hadlay cod reernimo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, ayaa eedeymo culus u jeediyey dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo "oo aan ku hadlin cod madaxweynimo" ayuu ku eedeeyay xaalad abuur, kala qeybinta bulshooyinka wada dega gobolka Gedo iyo u ololeynta beel iyo jufo gaar ah.

"Mar walba madaxweynuhu wuxuu ku celcelinayey arrinta gobolka Gedo doorka ay Jubaland ku yeelan karto waxay noqon kartaa in ay s dirto guddiga doorashooyinka," ayuu Axmed Madobe u sheegay saxaafadda.

Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in dowladda Farmaajo ay ku fashilantay in ay fuliso talo-soojeedinta guddigii arrinta gobolka Gedo loo saarey kadib heshiiskii 17-kii September.

"Shirkii ugu horeysay oo aan galnay madaxweynuhu wuxuu yiri Jubaland iyo Puntland baa tabashada qabay ha sheegeen maba ahayn nin ay wax ka maqan yihiin oo aan garaneyn meesha ay wax marayaan," ayuu Ahmed Madoobe yiri.

Xilli uu ka digay qalalaase siyaasadeed iyo dagaal sokeeye uguna baaqay Soomaalida iyo Beesha Caalamka in ay si dhow ula socdaan xaalada taagan, Jubaland ayuu hoosta ka xariiqay in uu diyaar u yahay wax kasta oo heshiis loogu heli karo.

"Madaxweynuhu wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga un baa ka talinaya, haddaba Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, annaa ka soo jeeda oo reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas’uul ka noqdo oo yiraahdo annaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban yahay wax dhici kara ma’aha, waa Nasiib darro," ayuu Axmed Madoobe carabka ku adkeeyay.

Dhamaan hadaladii kasoo yeeray wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya oo xalay ka hadlay Dhuusamareeb ayuu ka dhawaajiyey in ay ka fog yihiin xaqiiqada.

"Farmaajo afar sano wadankaan aan arkay isagu ma maamuleen ee yaa maamulayay, waxaan diyaar u ahay wax kasta oo xal lagu heli karo, waxaan ka xumahay dagaalka ka socdo gobolka Gedo," ayuu tibaaxay.

Fadhiga lagu waddo in madaxweyne Farmaajo kula hadlo xubnaha Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ee waqtigooda dhamaadey ayuu cod dheer kaga digay, isaga oo ku qeexay mid "sharci darro ah".

"Marka aan nabad ku tago Kismaayo waxaan ka hadli doonaa taariikh dheer oo ku saabsan doorashadii Kismaayo, shirkii ay dowladda diidey in la qabto [iyo arrimo kale]," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Axmed Madoobe.

Related Articles

Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo dhaweeyay heshiis lagu saxiixay Muqdisho

Ciidamada AUSSOM ee laga soo xulay Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Masar, iyo Uganda waxay ka kooban yihiin 11,900 askari.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 02:12PM

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Ramadan

Dr. Xabeeb ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 12:27PM