Axmed Madoobe iyo Deni oo dib ugu laabtey Kismaayo iyo Garowe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa dib ugu kala laabtey magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka gedaal markii wadahadaladii xalka loogu raadinayey is-mari-waaga doorashooyinka 2020-21 ay kusoo idlaadeen natiijo la'aan ama ay fashilmeen.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu jahwareeriyey wadaxaajoodyadda oo ay hareeyeen doodo dhinacyadu isku fahmi waayeen.

In ka badan muddo bil ah ayay Deni iyo Axmed Madoobe u joogeen caasimadda Muqdisho si xal loogu helo khilaafka doorashooyinka oo taagan in ka badan muddo sagaal bilood ah.

Socdaalka labada madaxwayne ayaa soo degdegay kadib markii maamulka Farmaajo uu ka shaqeeyay muddo kordhin laba sano ah oo shalay uu Golaha Shacabka ku dhawaaqay.

Mowqifka ay Beesha Caalamka ka qaadato muddo kordhintaas ay kal hore ka hor-yimaadeen Puntland, Jubaland, Aqalka Sare iyo Musharaxiinta ayaa si weyn isha loogu hayaa.

Inkasta oo ay muddo kordhinta ay kamid ahayd saddex qad cas oo wakiiladda Beesha Caalamka hor-dhigtay madaxda Soomaalida, haddana waxaa la dhowrayaa talaabadda ay ka qaadaan qaddiyadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM