Axmed Madoobe iyo Deni oo dib ugu laabtey Kismaayo iyo Garowe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa dib ugu kala laabtey magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka gedaal markii wadahadaladii xalka loogu raadinayey is-mari-waaga doorashooyinka 2020-21 ay kusoo idlaadeen natiijo la'aan ama ay fashilmeen.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu jahwareeriyey wadaxaajoodyadda oo ay hareeyeen doodo dhinacyadu isku fahmi waayeen.

In ka badan muddo bil ah ayay Deni iyo Axmed Madoobe u joogeen caasimadda Muqdisho si xal loogu helo khilaafka doorashooyinka oo taagan in ka badan muddo sagaal bilood ah.

Socdaalka labada madaxwayne ayaa soo degdegay kadib markii maamulka Farmaajo uu ka shaqeeyay muddo kordhin laba sano ah oo shalay uu Golaha Shacabka ku dhawaaqay.

Mowqifka ay Beesha Caalamka ka qaadato muddo kordhintaas ay kal hore ka hor-yimaadeen Puntland, Jubaland, Aqalka Sare iyo Musharaxiinta ayaa si weyn isha loogu hayaa.

Inkasta oo ay muddo kordhinta ay kamid ahayd saddex qad cas oo wakiiladda Beesha Caalamka hor-dhigtay madaxda Soomaalida, haddana waxaa la dhowrayaa talaabadda ay ka qaadaan qaddiyadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM