Axmed Madoobe ka degay Muqdisho [Sawirrda soo dhaweyntiisa]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta soo saarey magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirada arrimaha gudaha iyo Amniga ee Xukuumadda Khayre ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoo loo galbiyay Madaxtooyadda Villa Somalia.

Illo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in ujeedka uu Axmed Madoobe u yimid caasimadda ay tahay dhameystirka Heshiiskii uu dhawaan Kismaayo kula galay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qodobada qaar ee heshiiska oo Khayre iyo Fahad Yaasiin go'aan ka gaari waayeen intii ay wadahadallada ka socdeeen Kismaayo ayaa loo gudbiyay Farmaajo, oo la filayo inay isla-meel dhigaan Axmed Madoobe, oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyay Villa Somalia.

Xiisadda siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa cirka isku shareertay sanadkii tagey kadib markii Gollihii Iskaashiga ee lagu dhisay Kismaayo ay xiriirkii wadashaqeyn u jareen dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

Madaxdii maamullada qaar ayaa isbedel ku yimid, kadib markii Madaxweynihii Puntland, Cabdiweli Gaas doorashadii January looga adkaaday, iyadoo Shariif Xasan, Madaxweynihiii Koonfur Galbeed is-casilay, waxaana heshiis qaatey Madaxweynaha HirShabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM