Axmed Madoobe: "Ma difaacayo Kenya, waxaan ahay Soomaali"
GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbad ka jeediyay madasha aragti wadaaga Heritage oo laga daah furay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Axmed Madoobe ayaa si qoto dheer uga hadlay xiliga kala guurka ah iyo caqabadaha ku xeeran isagoo si furan uga hadlay salka khilaafka u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland ee la xiriira arinta Gobolka Gedo.
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in xiligan kala guurka ah ay tahay in la helo xal khatarta ka saari kara dalka hadii la waayana ay noqonayso in dhibaatada ka dhalata ay saamayso Dib u dhiska dalka.
Madaxweynaha oo sheegay in qaar kamid ah mdaxda dowlad goboleedyada ku garab-istaagi waayeen fulinta qodobada heshiiskii doorashada si gaar ah qadiyada gobolka Gedo ayaa ka digay hanaan doorasho aan lagu heshiis lagu ahayn.
Madaxda maamulada ayuu ku booriyey in ay meel uga soo wadajeestaan xal u helida qadiyadda gobolka Gedo.
"Balantii aan galnay raggii ila galay waa joogaa halkan. Waxa laga hadlayo saddex arrimood oo tan Jubbaland ugu muhiimsan tahay laakiin aan inta lasoo hadalqaadin. Maalintii aan Xamar ka degayey waxaan Beesha Caalamka iyo saaxiibadey [madaxweyneyaasha maamuladda] in aan galeynin shirkaas inta arrinta Gedo xal laga gaarayo. Saaxiibadeena waxaan isla garanay in aan tan guud galno oo arrinta Gedo dib ka xalin doono," ayuu ku daray, isaga oo xusay in heshiiskii laga gaarey qadiyadaas aysan u fulin sidii is-afgaradka looga gaarey.
Madaxweyne Farmaajo ayuu ku martiqaadey in uu kusoo biiro kulanka Garowe si xal wadda ogol ah looga gaaro is-mari-waaga.
Axmed Madoobe ayaa qashinka ku daray sheegashada dowlada ee ah in uu gacansaar la leeyahay xukuumadda Nairobi kuna cadaadisay in uu wiiqo geedi u socodka doorashooyinka 2020-21.
"Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in aanan Kenya difaaceyn, in aan ahay Soomaali, waligeyna aanan jinsiyad kale qaadan," ayuu yiri.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiriirka ay horaantii bishaan December, 2020 u jartey dhigeeda Kenya waxay u cuskatay "faragelinta arrimaha gudaha waddanka iyo ku cadaadinta hogaanka Jubaland wiiqida doorashada".
GAROWE ONLINE