​Axmed Madoobe oo booqday Mashruuca Waraabka beeraha Gedo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DOOLOW, Somalia- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo booqasho ku jooga gobolka Gedo, ayaa maanta booqday Mashruuca waraabka Beeraha Gobolka Gedo ee lagu magacaabo Fadal kaas oo heer gabo gabo ah maraya.

Madaxweynaha oo xubno katirsan Xukuumadda ay wehelinayaan waxaa uu lug kusoo maray dhamaan qaybaha Mashruuca oo biyaha wabiga Jubba lagu gaarsiinayo dhulka fog ee baadiyaha.

Mashruucan ayaa loogu talo galay in kor loogu qaado wax-soo saarka iyadoo la adeegsanayo biyaha wabiga, waxaana la gaarsiin doonaa Beeraha ka fog wabiga Jiinkiisa.

Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa bogaadiyay mashruucan oo uu sheegay inuu yahay mid faa'iido u leh bulshada iyo dadka ku nool deegaanada Jubbaland, wuxuunta intaas ku daray in la gaarsiin doono dhammaan gobollada Jubbaland.

Madoobe, ayaa sheegay in deegaanada Jubbaland Qani ku yihiin wax soo saarka isagoo ku baaqay in kor loogu qaado si badeecooyinka soo go'a loogu iib geeyo dibadda islamarkaana uga faa'iidaystaan shacabka ku nool dhammaan gobollada waddanka.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli deegaano badan oo katirsan gobolka Gedo aysan nasiib u yeelan inay ka faa'iidaystaan biyaha Wabiga Jubba, taasoo keentay in xilliga abaarta dad badan abaar u le'daan.

Gobolkan ayaa kamid ahaa meelihii ay si daran u taabatay abaartii ka dhacday dalka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM