​Axmed Madoobe oo daah-furey Sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose (SAWIRRO)

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah furay Sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose iyo geedi socodka dhismaha golayaasha Degmooyinka.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka ah Wasiirada Dowlad Goboleedyada Xubnaha Bulshada ra’yidka ah iyo marti sharaf kasocotay beesha Caalamka ayaa munaasabada kasoo qayb galay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hanankan Cusub uu yahay mid Soomaaliya wax badan kusoo kordhinaya gaar ahaana in uu meesha ka saarayo awoodii halka meel kaliyah taalay oo kobac dhaqaale iyo mid maamulba uu abuurayo.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ka digay in hanankan aan loo arkin mid hab beeleed awooda loo qaybsanayo isla markana dadka looga baahan yahay in ay soo doortaan dad wanaagsan oo wax u qaban kara.

“ Qofka aan talada u dhiibayno in aan ku qiimayno shaqadiisa iyo shaqsiyan wuxuu soo kordhin karo ayaa ka haboon in aan qabiil iyo qosykiisa  ku miisaano” ayuu yiri Madaxweynahu. Dadweynaha ayuu sheegay in ay ka faa’iidaystaan hawshan isla markana ay ka fogaadan wax walba oo Bulshada wadajirkeeda wax u dhimaya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Tageerada beesha Caalamku ay siiso Soomaaliya wuxu ka digay in ay kusii socoto qaabka hada ay tahay wuxuuna sheegay in NGO-yada loo dhiibayo mashaariicda aysan Soomaaliya dan u ahayn oo la aamino Maamulada iyo hananka Dowliga ah ee Dalka ka jira.

Beesha Caalamka ayuu Madaxweynahu ku amaanay hawsha wanaagsan ee ay Soomaaliya ka wadaan balse wuxuu xusay in taas aysan waxba taraynin hadii deeqaha ay Soomaalida ugu tala galeen ay u dhiibaan NGO-yo aan waxba u qabanaynin umada.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ka hadlay dadka ay Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah ka shaqalaysiiyaan gudaha Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay in dadka gudaha dalka wax ku bartay ay xooga saran maadama ay ogyihiin duruufaha dalka ka jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM