Axmed Madoobe oo dalbaday in doorashada dib loo dhigo [DHEGEYSO]

Image

August 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka codsaday baarlamaanka Jubaland in dib loo dhigo xiliga la qabanayo doorashooyinka madaxtinimada.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in qoraal uu ku dalbanayo dib u dhigista waqtiga doorashada u gudbiyey guddoonka baarlamaanka Jubbaland.

Mar uu sharraxayey sababta ku kalliftay inuu go'aankan qaato, wuxuu sheegay in uusan dooneyn muddo kororsi, balse waqtiga baarlammaanku iclaamiyey ay muddo koobani ka harsan tahay suurogalna ahayn in lagu diyaar garoobo.

Shalay ayey ahayd markii Guddoonka Baarlammaanka Jubaland shaaciyey in doorashada madaxtinimadu dhici doonto 15-ka bishan August.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM