Axmed Madoobe oo eedayn ujeediyay DF iyo Beesha Caalamka [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo maanta booqday tuuladda Cabdalla Biroole ee gobolka Jubada Hoose ayaa kormeeray Saldhiga Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedkan ay halkaas ku leeyahiin.

Axmed Madoobe oo khudbad dardaaran iyo dhiira-gelin isagu jirtay u jeediyay cutubyo kamid ah ciidamada ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab laga xoreyn doono degaanada ay kaga sugan tahay gobollada Jubbooyinka.

"Waxayna dooneynaa inaan dib usoo ceshano degaanadeena naga maqan oo ay ku jirto caasimada maamulkeena," ayuu Madaxwaynuhu yiri, isaga oo intaasi raaciyay "howlgalka aan qaadayno waa mid dhab ah".

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowlada Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo taliska AMISOM inay ka cagajiidayaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka.

"Muddo afar sano ah ayaan sugaynay dowlada Federaalka, AMISOM iyo Beesha caalamka. Waxaan hadal ahaynin ma hayaan, marka waynu isku tashanaynaa, cidii nasoo raaceysa hanaga dabatimaado," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii, Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa ic-laamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab kaasi oo ay si gaar ah u qaadi doonan ciidamada mamulkiisa oo lagu eedeeyay inuu fadhiid noqday markii uu gacanta ku dhigay Kismaayo 2012.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xili la filayo in Jubbaland ay gasho sanadka soo aadan doorashada Madaxwaynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM