Axmed Madoobe oo eryay Wasiirkii amniga Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland, sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda maamul goboleedkaas.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan] uu "isku dhiibayo" dowladda Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaadey.

Wareegtada xil ka qaadista Janan ee kasoo baxdey xafiiska Axmed Madoobe ayaan lagu caddeynin sababaha keenay xil ka qaadista Janan.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u baahiyey in Janan uu wadahadalo la furay Villa Soomaaliya si gaar ah saraakiil wakiil ka agaa madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo.

Fahad Yaasiin Daahir, agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa, sidda uu GO ogaadey, wuxuu degaanka Buula Xaawo oo Janan uu ku sugan yahay, wuxuu maanta u tegayaa dhameystirka heshiiska Cabdirashiid Janan.

Sidda ay xogaha caddeynayaan, Fahad wuxuu diyaarad ku tagi doonaa Doolow, halkaasoo uu kasii qaadan doono gaadiid nooca aan rasaastu karin oo shalay laga dejiyey halkaas.

Dhanka kale, maamulka Axmed Madoobe oo wadahadalo xal loogu raadinyo muranka doorashooyinka u jooga caasimada Muqdisho ayaan wali wax war ah kasoo saarin heshiiska sidda hoose u dhexmaraya maamulka muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Farmaajo iyo Janan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM