Axmed Madoobe oo fahfaahiyey shirka Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee mareegga Facebook ayaa fahfaahiyey shirka ay madaxda maamuladda la yeesheen wakiiladda Beesha Caalamka.

Axmed Madoobe ayaa daaha ka rogay in is-araggaas uu horudhac u yahay wadahadalada loo-dhan-yahay ee qorshuhu yahay in madaxda Soomaalida ay kawada qeybgalaan si xal loogu helo is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka heer federaal.

"Maanta kulanka aan la yeelanay Saxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya waxay saldhigiisu ahayd sidii loo sii wadi lahaa wada hadalada iyo kulamada lagu raadinayo shir weyne loo dhan yahay oo aan ka yeelano arimaha Doorashada," ayuu ka dhawaajiyey.

Shirka hogaamiyeyaasha maamulada iyo Beesha Caalamka ayaa ka dhacay Airport Hotel oo ku dhex-yaala xerada amnigeeda aadka loo adkeeyo ee Xalane.

Isla qoraalka uu Facebook ku faafiyey, Axmed Madoobe ayaa adkeeyay in kaalinta Beesha Caalamka ay muhiim u tahay natiijada wadaxaajoodyadda.

"Hanaanka Doorashada Soomaaliya wuxuu mar walba u baahan yahay tageero Caalami ah si aan u helo natiijooyin qiimo leh," ayuu hoosta ka xariiqay.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in madaxda aysan wali wax horumar ah ka sameyn qodobka ajandaha, balse ay mabda' ahaan isla garteen goobta iyo ammaanka shirka.

Saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya ayaa si weyn isha ugu haya khilaafka doorashooyinka Soomaaliya, waxaana ay si weyn ugu ololeynayaan in wada-ogol looga gudbo is-faham-waaga lagana fogaado feker kasta oo muddo kororsi ku dhisan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM