Axmed Madoobe oo fariin culus u diray Farmaajo

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay Garowe kaga qeyb galay Munaasabada Sanad guurada labaad ee Doorashada Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in khilaafka ka taagan Arimaha Doorashooyinka ay sal u tahay arinta Gobolka Gedo "oo mdaxweyne Farmaajo ay sharaf dhac ku tahay in uu is-xijinayo".

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ayuu cod dheer ugu baaqay inuu la yimaado aragti Caafimaad qabta oo lagu xalin karo Xaalada gobolka Gedo ka jirta.

Sharafta Madaxweynaha iyo maqaamka uu joogo ayuu tibaaxay in ay ka hoosayso in uu isku dhajiyo Gobolka Gedo iyadoo ay muhiim tahay in gacanta Jubaland lagu soo celiyo Gobolkaas si ay uga dhaqan gasho Doorasho ay Masuul ka tahay Jubaland.

"Arrintaada hadii gobol ku ekaato, waxaa caqabad ku noqoneysa sidda aad u maamuleyso gobolada kale," ayuu ku daray madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayuu ka codsaday in uu dadweynaha u soo bandhigo qodobadii kawada hadleen.

"Khilaafka ka jira Gedo Madaxweynow adiga sharaf kuu aheyn yeysan kugu dhicin suuro ah in Madaxweynaha uu is xijisiinayo gobolkaas oo dan gaar uu ku leeyahay waa mid saameyn ku yeelaneysa dowladnimadada iyo Madaxtinimadada haddii arrintada gobol ku koobnaato waxaa kugu adkaaneysa in aad gobolada kale xukunto haddii caqabad jiraan waxaa u baahan in laga wada hadlana oo la isu yimaado. Waxaan aad ugu talinayaa in shir la isugu yimaado, waxaa leeyahay saaxibkey Qoorqoor waxaa isu sheegnay inuu kor u sheego warka hoose meesha ka baxo oo warar la isla dhex wareegayo ee laga hadlayo kuraas kuwa Gedo yaalla iyo kuwa halkaas yaalla kuraasta waxaa is ka leh qabaa'il Xildhibaan u sharaxan guddi leeyihiin nidaam loo mara jira odayaal qeyb ka ah," ayuu tibaaxay.

Mar uu soo hadal-qaadey wararka sheegaya in arrinta gobolka Gedo lagu xalinayo kuraas la is-weedaarinayo, Axmed Madoobe ayaa carabka ku dhuftay "in kuraasta ay leeyihiin qabiilo".

Jubaland ayuu xusya in ay ka go’an tahay in doorashada dalka ay ku dhacdo jawi wanaagsan dhamaan dhinacyaduna ay tahay in wax walba lagu xaliyo wada hadal si Doorasho la isku raacsan yahay ay dalka uga dhacdo.

Qadiyadda gobolka Gedo, doorashadda wakiilada Somaliland iyo guddiyadda lagu muransan yahay ayaa ah qodobada la isku hayo ee khuseeya doorashadda. Farmaajo wuxuu diidan yahay in shir kale laga yeesho arrimahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Dhigiisa Ukraine

Wadahadalka ayaa ku soo beegmaya xilli safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Maxamed Cabdulqaadir Zubeyr.

  • Soomaliya

    16-01-2025

  • 06:25AM

Soomaaliya oo ka dalbatay Iraq in labo arin ka caawiso

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku sheegay booqashadiisa Baqdaad inay ahayd mid guul leh.

  • Soomaliya

    15-01-2025

  • 12:54PM