Axmed Madoobe oo gaari siiyey ardey ku guuleystey tartan Qur'aan

Image

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa abaal marin ahaan gaari noociisu yahay (Toyota Crown) arday kaalinta koowaad ka galay tartan Qur’aan akhris ah oo ka dhacay magaalada  Kismaayo.

Ardeygaas oo lagu magacaabo Muscab Cabdirashiid Maxamed ayaa ku guuleystey tartanka soddonka juz ee Qur’aanka .

Nucmaan Cabdisamad ayaa isna galay kaalinka labaad ee tartanka Qur’aanka waxaana la gudoonsiiyay lacag dhan $1,000 (kun doollar).

Ardayda tartanka ka qeyb gashay waxay kala metelayeen malcaamadaha Qur’aanka ee ku yaal magaalada Kismaayo. 

Madaxweynaha Puntland ayaa isna shalay abaal-marino guddoonsiiyey ardeyda kaalimaha sare ka galay tartanka Qur'aan akhriska ee Puntland. Wiilka kaalinta koowaad galay oo metelayey degmada Ufeyn ee gobolka Bari. waxa la siiyey lacag dhan $3,000 (saddex kun oo doolar).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM