Axmed Madoobe oo isku shaandhayn ku sameeyay Wasiiradiisa

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa isku shaandhayn ku sameeyay Gollahiisa Wasiiradda, sida laga shaaciyay digreeto kasoo baxday xafiiskiisa.

Wareegtadda oo ku taariikheysan 13-ka November ayaa waxaa Gollaha Xukuumadda Dowlad Goboleedkan lagu soo kordhiyay Maxamed Axmed Cilmi, kaasoo loo magacaabay Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha Jubbaland.

Sida ku cad qoraalka, meesha ugu badan ee isbedalka lagu sameeyay ayaa ah Wasiiru dowlayaasha, halkaasi oo mas'uuliyiin cusub xilal loogu magacaabay, kuwaasoo tiradoodu gaareyso afar.

Wasiiru ku xigeeno labo ah, oo kala ah; Ku xigeenada madaxa Maaliyadda iyo Wasaaradda Dalxiiska iyo Degaanka ayaa xubno cusub loogu magacaabay xili jaooyinkii laga xayuubiyay kuwii hore.

Isku shaandhaynta uu sameeyay Axmed Madoobe ayaa kusoo aadeysa xili uu wajahayo culeys siyaasadeed oo madaxda dowladda dhexe uga imaanaya, islamarkaana xiisad siyaasadeed ay u dhaxeyso maamul goboleedyada iyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM