Axmed Madoobe oo ka digay qorshe Farmaajo damacsan yahay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Axada maanta ah sheegay in xudunta khilaafka haatan ka taagan doorashooyinka 2020-21 ay tahay fulinta qodobadii ay ku heshiiyeen madaxda dowlada iyo maamuladda 17-kii September.

Sidda laga soo xigtay Axmed Madoobe oo warbaahinta ugu waramay magaaladda Kismaayo halkaas oo uu dib ugu laabtey kadib safarkiisa Garowe, hadaan la joogteyn wadahadalada waxaa soo bixi kara "qaladaad kale".

Axmed Madoobe ayaa beeniyay warka kasoo yeeray madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor, ee ku aadanaa in madaxda Puntland, Jubaland iyo Midowga Musharaxiinta aysan kasoo jawaabin fariintii ay la wadaageen ee ku aadanaa xalka khilaafka doorashooyinka.

"Sidaan u sugeynay ayaa waxaan maqleynaa waa la aqbalay heshiiskii, waa la idin imaanayaa nalama dhihin; laakiin waxaan is-leeyahay jawaabta baxdey in aysan ahayn jawaab munaasabkeeda ku baxdey," ayuu tibaaxay.

Isaga oo u muuqda mid ka falcelinaya wararka sheegaya in arrinta gobolka Gedo lagu xalinayo in Xildhibaanada uu saami ku yeelanayo Farmaajo, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si dadban u xaqiijiyey arrintaas.

"Ugu yaraan waxaynu kawada hadalnay arrinta gobolka Gedo hadii laba qeybood laga dhigo soo wareejinta maamulka iyo ciidamadda la kala celinayo iyo dib-u-heshiisiinta waqti bey qaadaneysaa - Illaahow may bil qaadato - laakiin tan doorashooyinka ee Garbahaarey ku saabsan waxaan is-leeyahay muddo ma qaadan kareyso," ayuu sheegay.

Qorshaha Farmaajo ee ah in Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ay bilaabaan doorashada Aqalka Sarre ayuu cod dheer kaga digay.

Wuxuu ku daray: "Waxaan ka digayaa oo maanta Soomaaliya xal u ahayn in aan maanta fariimo aan jirij la is weedaarsado, doorashana la yiraahdo hebel iyo hebolow qabta, hebelow iyo hebelowna banaanka ka jooga, waxa ka imaan karana aan garaneyno".

"Soomaaliya haddey xamili karto kelitalisnimo, annaa iri iyo sidaan hala yeelo ma aysan burbureen, dhibaatadana halkan ma ayaan gaareyn, waxaan ka digayaa arrintaas; hala isku yimaado. Maxaa diidaya in la kulmo oo la isku yimaado?," ayuu kusoo xiray.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in ay guda galeyso fulinta doorashooyinka. Talaabadaas waxay la macno tahay in ay qabaneyso doorasho aan heshiis lagu ahayn. Tani waxay keeni kartaa in waddanka ay ka dhacdo doorashooyin iska soo horjeedda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Dhigiisa Ukraine

Wadahadalka ayaa ku soo beegmaya xilli safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Maxamed Cabdulqaadir Zubeyr.

  • Soomaliya

    16-01-2025

  • 06:25AM

Soomaaliya oo ka dalbatay Iraq in labo arin ka caawiso

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku sheegay booqashadiisa Baqdaad inay ahayd mid guul leh.

  • Soomaliya

    15-01-2025

  • 12:54PM