Jubaland oo ka hadashay weerarka lagu khaarijiyey Shaafi

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid guddoomiyihii rugta ganacsiga maamulkaas, Shaafi Raabi Kaahin oo maanta lagu dilay qarax is-miidaamin.

Kaahin oo sidoo kale ahaa xoghayaha guud ee rugta ganacsatada Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in uu u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaarey weerarkaas uu fuliyey ruux naftii halige ahaa.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa naxariista EBBE loogu rajeeyay marxuumka, waxaana lagu xusay in argagixisada aysan maamulka iyo shacabka Jubaland ka weecin karin horumarka.

"INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Marxuum Shaafi Raabi kaahin iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeeloowday qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo," ayaa lagu yiri.

Waxaa la raaciyey; "Waxaa Madaxweynahu uu Allah uga baryayaa in uu Naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana dadka dhaawaca ah uu Caafimaad deg deg ah siiyo.

"Madaxweynaha ayaa sheegay in Shaafi Raabi Kaahin uu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo shaqeeyay awood walba oo karaankiisa ah isla markana lasoo qaybsaday duruufo adag isagoo maanta naftiisa ku waayay u khidmaynta shacabka," ayay ku dareen.

Bayaanka ayaa lagu xusay: "Wuxuu xusay Madaxweynahu in dhagarta Argagixisada iyo nacaybka ay u qabaan dadka Muslimka ah ay cadayn dhab ah ay u tahay sida ay maanta dadka Shacabka iyo Masuuliyiinta ah ee kasoo baxay Salaada Jimcaha ay ugu beegsadeen afaafka hore ee baydka ilahay".

"Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay Dhabaha ay dadka reer Jubbaland iyo guud ahaan ummada soomaaliyeed ku doonayaan inay Nabad iyo xasilooni helaan aanay ka leexin doonin falalka naf la caarinimada ah ee ay ku kacayaan Argagixisadu," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xilli Axmed Madoobe uu caasimada Muqdisho u joogo wadahadalada arrimaha doorashooyinka 2020-21 kuwaasoo uu la leeyahay madaxda dowladda federaalka ah iyo maamuladda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM