Axmed Madoobe oo ka jawaabay eedeyn kaga timid Farmaajo

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa wuxuu qashinka ku daray sheegashooyin ka yimid Villa Soomaaliya oo dowladaha Puntland iyo Jubaland la xiriiriyey dowladdo shisheeye.

Axmed Madoobe oo u waramay telefishinka BBC Somali ayaa "riyo" ku tilmaamay eedeyntaas oo ka timid madaxweynaha xilheyntiisa dastuuriga ah ay dhamaatay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Farmaajo ayaa dhowaan wuxuu sheegay in Puntland iyo Jubaland ay fashiliyeen shirarkii u dambeeyay ee doorashooyinka "ayaga oo fulinaya qorshaha dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Kenya".

Hase ahaatee, maamulka Farmaajo ee waqtiga ka dhacay 8-dii Febraayo, 2021 wuxuu ku guuldareystay in uu soo bandhigo caddeymo xoojinaya eedeymaha ah u jeediyeen maamuladan kasoo horjeeda.

Puntland iyo Jubaland ayaa si weyn uga aragti-duwan maamulka Farmaajo, waxaana ay is-hortaageen qorshaha la sheegay in uu madaxweynaha xilligiisu idlaadey rabay in uu "ku boobo doorashooyinka".

Amniga guud ee dalka

Dhanka kale, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay in Farmaajo uu ammaanka guud ee dalka ku wareejiyay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayna taas fure u tahay wadahadalada.

"Ma oran karayo," ayuu kaga jawaabay su'aal ahayd hadda kuma kalsoonid miyaa markii uu si dabacsan u sheegay in muhiim ay tahay in Farmaajo uu wareejiyo ammaanka guud ee doorashooyinka.

Wuxuu intaas ku daray: "Ra'iisul wasaaruhu waan ku kalsoonahay hadalka uu yiri; madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey wuu sheegay in barnaamijkaas [amniga iyo doorashada] uu ku wareejiyay ra'iisul wasaaraha waliba tan amniga guud ra'iisul wasaarahaa sheegay. [Wanaag] baan muujineynaa waan ku kalsoonahay, waan soo dhaweynaynaa, waan garab istaageynaa, waan kala shaqeynaynaa waan la gaarsiineynaa sababtoo ah dantii waddankaa ku jirto dan shaqsi kama shaqeyno".

Rooble ayaa lagu waddaa in uu hogaamiyo shirka xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka oo 20-ka May, 2021 ka bilaabanaya caasimada Muqdisho ayna kawada qeybgalaan hogaanka Soomaalida.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa shalay waxay xafiiska ugu tageen Rooble, iyaga oo u xaqiijiyey taageeradooda una sheegay "in aan la aqbali karin is-hortaag lagu sameeyo in heshiis kasoo baxo kulankaas".

Qadiyada gobolka Gedo

Qodobada ugu waaweyn ee la filayo in ay hareeyaan shirka 20-ka May loo asteeyay waxaa kamid ah qadiyada gobolka Gedo taasoo kamid ahayd sababaha keenay burburka wadaxaajoodyadii horey.

Villa Soomaaliya ayaa gobolkaas geysay ciidamo tirro badan. Mucaaradka wuxuu sheegay in ciidamadda loogu daabulay "si ay kuraasta ugu boobaan Xildhibaanada halkaas kasoo galaya baarlamaanka dalka".

Siyaasiyiin ayaa sheegay in Farmaajo uu ku adkeystay in gobolka Gedo uusan hoos-tageyn Jubaland talaabadaas oo ay ku sifeeyeen "in uu ugu ololeynayo bulshadda uu heyb ahaan kasoo jeedo".

Balse, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa kahor shirka 20-ka May wuxuu carabka ku adkeeyay in ay wali ku taagan yihiin mowqifkooda ah in qadiyadda Gedo ay tahay "mid aan laga doodi karin".

"Arrinta mowqifka gobola Gedo wax lala gabanayo ma ahan. Gobolka Gedo Jubaland bey ka tirsan tahay. Dastuur federaal iyo ku Jubaland intaba waa qeexayaan waa in lagu soo wareejiyaa maamulka Jubaland," ayuu xusay.

Eedaha faragelin shisheeye

Iyaddoo ololihiisa doorashada 2017-dii ay xudun u ahayd eedeynta Itoobiya oo hadda saaxiib dhow la ah, maamulka Farmaajo ayaa la sheegay in uu kalkan rabo in uu ku ololeeyo siyaasadda arrimaha dibada.

Todobaadyadii lasoo dhaafay, Villa Soomaaliya ayaa diiradda ugu badan waxay saartay Kenya oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso dacwad baddeed hortaala ICJ iyo Jabuuti oo xiriir walaaltinimo la leh Muqdisho.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa kamid ah dhinacyadda ay Villa Soomaaliya ku beegsatay ololahan. Hase ahaatee, Axmed Madoobe wuxuu si adag isaga fogeeyay in ay "casharada u yeeriyaan dalal shisheeye".

"Meel uma aanan bixin, shisheeye telefoon lama lahayn, xiriir nagama dhaxeynin. Burburka Soomaaliya maanta ku dhacayo ma Axmed Madoobe ayaa keenay shisheeyuhu isagu watay ee keenay waa aayo. Mas'uuliyada Muqdisho isaga [Farmaajo] ayay saaran tahay. Waxaas waxaan leeyahay waa iska riyo," ayuu kaga jawaabay eedeymaha la xiriiriyey dalal shisheeye.

Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada ee raba in ay bedelaan Farmaajo ayaa uga digay madaxda federaalka ee sharciyadda ka dhamaatay "cawaaqibka ka dhalan karta "in olole doorasho lagu galo siyaasadda dibadda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Dhigiisa Ukraine

Wadahadalka ayaa ku soo beegmaya xilli safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Maxamed Cabdulqaadir Zubeyr.

  • Soomaliya

    16-01-2025

  • 06:25AM

Soomaaliya oo ka dalbatay Iraq in labo arin ka caawiso

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku sheegay booqashadiisa Baqdaad inay ahayd mid guul leh.

  • Soomaliya

    15-01-2025

  • 12:54PM