Axmed Madoobe oo kulan deg deg isagu yeeray Wasiiradiisa [Ujeedka]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa waxa uu maanta Sabti ah kulan deg deg ah uu la yeeshay qaar kamid ah xubnahiisa Wasiiradda, sida uu ogaaday Warsidaha Garowe Online.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanada Jubbaland, gaara ahaan shaqaaqooyin ka dhacay magaaalada Garbahaarey, kadib markii lagu banaanbaxay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka, oo halkaasi gaarey.

Agaasimahii hore ee Villa Somalia, haatana noqday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, ayaa lagu eedeeyay inuu gadaal ka riixayo kacdoonka ka socda Garbahaarey ee looga soo horjeedo Jubbaland.

Danta ugu wayn ee uu ka leeyahay ayaa ah sidii uu isbedel ugu sameyn lahaa hogaanka Jubbaland, oo Madaxweyne Axmed Madoobe lala dagaalamayo inuusan xukunka kusoo laaban doorashada soo socota.

Shirka Gollaha Wasiiradda Jubbaland ayaa lagu lafa-gurey weerar ay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiista ku qaadeen xarunta Nabad Sugida ee Kismaayo, halkaasoo ay kala baxeen askari, kaasoo ay soo xireen Nabad Sugida [Madax-kuti].

Weerarka oo dhacay maalintii Jimcahii lasoo dhaacay ayaa horseeday dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada qaab beeleed u abaabulan iyo kuwa Nabad Sugida Jubbaland, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada soo kala gaarey.

Illo xog ogaal ah oo ku dhow Madaxtooyadda Jubbaland ayaa u sheegay Warsidaha GO in qaar kamid ah Askarta weerartay dhismaha Nabad Sugida Jubbaland la xiray, islamarkaana amarka lagu soo xiray uu bixiyay Madaxwayne Axmed Madoobe.

Xaafadaha ku dhow xarunta Nabad-sugidda ayey wararku intaas ku darayaan in lagu soo rogay Bandow, islamarkaana shacabka aanan loo ogalayn inay shacabka wadooyinka qaar  soo gala dhismaha isticmaalaan, iyo inay dhaqdhaqaaq badan ay sameeyaan.

Shirka deg deg ah ee uu qabtay Axmed Madoobe waxaa lagu soo qaaday xasaradaha ka taagneed Dekada Kismaayo, taasoo ka dhalatay markii Markab halkaasi ku xiran kuwaas oo muran cashuureed ka taagan yahay.

Kulanka ayaa ahaa mid ka duwan kuwii caadiga ahaa ee uu Gollahiisa Wasiirada ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili maamulkaan la filayo in doorasho aad inta uusan dhamaan sanadkaan.

Dowlada Federaalka ayaa lagu edeynayaa in xasilooni daro lamid ah midda ururka Al Shabaab ku hayo degaanada Jubaland ku hayaan iyagoo iska horkeenaya qabaa’ilada daga maamul giboleedkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM