Axmed Madoobe oo la dar-daarmay Xildhibaanada kasoo jeeda Jubbaland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta Kulan qado  ah la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada inay danahooda gaarka ah kahor mariyaan mid qaranka, islamarkaana la shaqeeyaan Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

"Waxaa la adinka baahan yahay inaad ka shaqeysaan Danaha dalka, oo aad hormuud u noqtaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa nidaamka xisbiyada badan, loogana bixi lahaa 4.5," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Xildhibaanada kasoo jeedo Jubbaland in ay codkooda kalsoonida siiyaan Ra'iisul wasaaraha uu soo magacaabay Madaxweynaha ay soo doorteen.

Kulanka ayaa kusoo beegmay xilli Axmed Madoobe ay dhawaan is-ku arkeen magaalada Muqdishu Madaxweyne Farmaajo iyo Mas'uuliyiin kale oo Xasan Sheekh kamid yahay kahor caleema saarka.

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Aki Kheyre, oo xalay lagu magacaabay Twitter-ka ayaa lagu wadaa inuu dhawaan hortago Baarlamaanka, si uu codka kalsoonida uga helo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM