Axmed Madoobe oo la dar-daarmay Xildhibaanada kasoo jeeda Jubbaland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta Kulan qado  ah la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada inay danahooda gaarka ah kahor mariyaan mid qaranka, islamarkaana la shaqeeyaan Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

"Waxaa la adinka baahan yahay inaad ka shaqeysaan Danaha dalka, oo aad hormuud u noqtaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa nidaamka xisbiyada badan, loogana bixi lahaa 4.5," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Xildhibaanada kasoo jeedo Jubbaland in ay codkooda kalsoonida siiyaan Ra'iisul wasaaraha uu soo magacaabay Madaxweynaha ay soo doorteen.

Kulanka ayaa kusoo beegmay xilli Axmed Madoobe ay dhawaan is-ku arkeen magaalada Muqdishu Madaxweyne Farmaajo iyo Mas'uuliyiin kale oo Xasan Sheekh kamid yahay kahor caleema saarka.

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Aki Kheyre, oo xalay lagu magacaabay Twitter-ka ayaa lagu wadaa inuu dhawaan hortago Baarlamaanka, si uu codka kalsoonida uga helo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM