Axmed Madoobe oo la dardaarmay wasiiradiisa cusub

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo ah kii ugu horeeyay kadib magacaabistii golaha Xukuumada.

Madaxweynaha ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay inay shaqadooda u gutaan sida ugu haboon, iyadoo wasaarad walba ay xooga saarayso shaqada u gaarka ah isla markaana ay xoojinayso shaqooyinka kala dhexeeya wasaaradaha kale.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in hufnaanta shaqada ay tahay mid lagu qiimayn doono wasaarad walba isla markana isla xisaabtanka Iyo dabagalka wasaaradaha ay noqon doonan kuwo joogta ah.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in shaqada shacabka loo hayo ay u baahan tahay dulqaad iyo samir, waxaa Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in qof walba oo katirsan bulshada ay tahay in loogu adeego hanaan hufan oo shaqo wanaag ay ka muuqato

Gaba gabadii, waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Xukuumadan cusub ay shaqooyin baaxad leh u yaalan taas oo u baahan dhiiranaan iyo ka go’naasho shaqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM