Axmed Madoobe oo la dardaarmay wasiiradiisa cusub

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo ah kii ugu horeeyay kadib magacaabistii golaha Xukuumada.

Madaxweynaha ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay inay shaqadooda u gutaan sida ugu haboon, iyadoo wasaarad walba ay xooga saarayso shaqada u gaarka ah isla markaana ay xoojinayso shaqooyinka kala dhexeeya wasaaradaha kale.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in hufnaanta shaqada ay tahay mid lagu qiimayn doono wasaarad walba isla markana isla xisaabtanka Iyo dabagalka wasaaradaha ay noqon doonan kuwo joogta ah.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in shaqada shacabka loo hayo ay u baahan tahay dulqaad iyo samir, waxaa Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in qof walba oo katirsan bulshada ay tahay in loogu adeego hanaan hufan oo shaqo wanaag ay ka muuqato

Gaba gabadii, waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Xukuumadan cusub ay shaqooyin baaxad leh u yaalan taas oo u baahan dhiiranaan iyo ka go’naasho shaqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM