Axmed Madoobe oo la kulmay Farmaajo iyo Xasan Sheekh

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay Safar ku tagay Caasumadda Somalia ayaa kulamo kala duwan la qaatay labada Madaxweyne ee dhawaan xilalka lakala wareegay.

Kulan ka dhacay Villa Somalia, ayaa waxaa isugu yimid Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Waxay kawada hadleen arrimo ku Aadan xaaladda siyaasadeed ee Somalia iyo doorashadii dhacday horraantii bishan.

Labada mas'uul ayaa isku afgartay in hormarka lagawada qayb qaato islamarkaana loo istaago sidii Amniga loo adkayn lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhambaal hambalyo ah gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo isagoo ballanqaaday wax kasta oo looga baahdo dowlad goboleedka uu hogaamiyo inuu diyaar la yahay.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa la kulmay Madaxweynihii hore Somalia, Xasan Sheekh oo Ku ammaanay kaalinta hormarineed ee dalka uu gaarsiiyay.

Xiriirkii hoose ee uu lalahaa madaxda maamullada iyo dhammaystirka dhismaha Federaalka ayuu uga mahadceliyay.

Waxay isku afgarteen in lala shaqeeyo Madaxweynaha Cusub.

Axmed Madoobe ayaa ahaa hogaamiyaha kaliya marka laga hadlayo maamullada ee aan imaan hoolka doorashada inkastoo aan war laga hayn sababta baajisay. 

Kulamadan ayaa yimid xilli barri la filayo in Muqdishu lagu qabto caleemo saarka Madaxweynaha Cusub, taasoo la filayo inay yimaadaan hogaamiyaal kala duwan iyo madax katirsan kuwa beesha caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM