Axmed Madoobe oo la kulmay wakiilada Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey caasimada KMG Jubaland ee Kismaayo.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah waxaa wehliyey safiiro ay kamid yihiin; Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga.

Sidda laga soo xigtay Madaxtooyadda Jubaland, fadhigaan gaarka ah waxaa diiradda lagu saarey xaaladda uu haatan waddanka wajahayo iyo khilaafka doorashooyinka.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga qeyb galeen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira".

"Kulamadan ayaa diirada lagu saaray xaaladahii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Jubaland ayaa dhowaan soo bandhigtay shan qodob oo ay sheegtay in ay kaga qeybgaleyso wadahadal kale oo laga galo khilaafka doorashooyinka kana mid tahay dhexdhexaadinta Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM