Axmed Madoobe oo lagala hadlay dardargelinta doorashada

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday wakiiladda Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ahna diblumaasi sare oo u dhashay dalka Mareykanka.

Waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, xubno kasocday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

War-saxaaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada dowladda Jubaland ayaa lagu fahfaahiyey qodobadda kasoo baxay kulankan iyo guud ahaan ajendaha ay dhinacyadda isla falanqeeyeen.

"Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada dalka iyo arimaha Doorashooyinka, iyadoo masuuliyiinta ka socday beesha caalamka ay uga mahad celiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sida ay uga go’antahay in doorashada dalku ay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markana la dardar galiyo shaqooyinka muhiimka u ah in dalka ay sida ugu dhow uga dhacdo doorasho loo dhan yahay," ayaa lagu yiri bayaankan nuqul kamid ah uu arkay xafiiska wararka ee Garowe Online.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Waxaa la isku raacay in la joogteeyo kulamada iyo wadatashiyada la xiriira arimaha Doorashooyinka iyadoo sidoo kale la isla qiray in dalka ay muhiimad weyn u leedahay in la dadajiyo howlaha Doorashooyinka".

Socdaalka ay diblumaasiyiinta ku tageen Kismaayo ayaa qeyb ka ah safaro ay ku tagayaan xarumaha maamuladda uguna kuur-galayaan siyaasada iyo fulinta heshiiska doorashooyinka ee la gaarey May, 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM