Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Arbacada maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Mas'uuliyiinta dowladda federaalka ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey ayaa ka baaqsaday in ay ka qeybgalaan soo dhaweynta Axmed Madoobe.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa talaabadaas. Hasa ahaatee, waxaa loo aaneynayaa xiriirka aan wanaagsaneyn ee ka dhaxeeya Jubaland iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Kahor inta uusan kasoo degin garoonka Aadan Cadde, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa iska soo horumariyey ilaaladiisa gaarka ah kuwaas oo sugaya nabad-gelyaddiisa.

Telefishinka ku hadla afka dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay in amniga Axmed Madoobe ay sidoo kale sugi doonan ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidda uu tabiyey telefishinka Jubaland TV, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa loo diyaariyey hoy ku dhow xeyndaabka madaarka Aadan Cadde halkaas uu ka dagi doono Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa kamid ah madaxda dowlad goboleedyadda ee ka qeybgalaya shirka maalmaha soo aadan bilaaban doona ee looga hadlayo xalka is-mari-waaga doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM