Axmed Madoobe oo markale ku dhawaaqey dagaal ka dhan Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa degaanada maamulkiisa waxa uu kaga dhawaaqey guluf balaaran oo ka dhan ah dagalaamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan degaanada hoosyimaada maamulkiisa.

Axmed Madoobe oo Arbcadii booqdey tuulada Baar-sanguuni ee duleedka Kismaayo, ayaa ku nuux-nuux sadey in ciidamada maamulkiisa loo baahan yahay in si deg deg ah uga saraan Shabaab meelaha ay haatan maamulaan.

Ciidamada AMISOM ayaa cod dheer ku qeexay inay muhiim tahay inay qaataan doorkooda olalaha ka dhanka kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda, taaso uu kuu qirey inay wali halis ku tahay amniga dalka.

Dowladda Federaalka ayaa ku dhaliiley inay ka gaabisey doorkeeda, isaga oo ku tartarsiiyey madaxda dowladda inay qaataan kaalintooda hogaamineed, ayna howlgal geliyaan ciidamada.

"Ciidanku ma ahan inuu iska fadhiyo. Dowlada waxaan kula heshiiney in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab, taasi oo aanan dhicin," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in dowlad goboleedkiisu saluugsan yahay qorshaha amniga xukuumadda, isaga oo soo hadal-qaadey dhacdooyinkii ugu dambeeyay Muqdisho ka dhacay.

"Difaaca ugu wanaagsan waa weerar, waa qaacido ciidan. Marka ciidanku waa in la howlgeliyaan ma ahan inay iska fadhiyaa magaalada oo aan maalin kasta maqalno qofbaa Muqdisho lagu diley," ayuu xusey.

Dhawaqaan culus ee kasoo yeeray Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xili cilaaqaadka udhaxeeya maamulkiisa iyo dowlada uu yahay, uuna ku dhawaaqey inuu hakiyey wadashaqayntii kala dhaxeysay xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM